Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal Galabta ka kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolkaan Banaadir.
Dilka 1aad ayaa waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley,waxana la sheegay in kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya ku dileyn agagaarka Jaamacada Gaheyr ee Degmada Dharkenley.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilka kadib ay kooxdii dilka geystay oo dhalinyaro ahaa ay goobta isaga baxsadeen,waxana sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda in kastoo aan lagu guuleysan in dadkii dilka geystay la qabto.
Dhinaca kale  kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda wax ay ku dileen meel u dhow Isgoyska Howl-Wadaag ee Magalada Muqdisho,iyada oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Dilalkaan Galabta ka dhacay Muqdisho oo ay masuuliyadoodu sheegteen Al-Shabaab weli kama hadlin masuuliyiinta degmooyinka Dharkenley iyo Howl-Wadaag iyo waliba laamaha ammaanka Soomaaliya.