Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Kismaayo iyo faah faahin laga helay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in laba ruux oo la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah xalay ku dilay xaafad ka tirsan Magaaladaas.

Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Isgoyska Soomaali Istaar ee xaafadda  Calanley ee Kismaayo, isla markaana waxaa lagu dilay laba ruux xili ay goobta ku sugnaayeeen, iyagoo lagu dhuftay rasaas dhowr ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad ay toogteen labada ruux,  kadibna goobta  ay uga baxsadeen Luu yar oo halkaas ku yaalla, waxaana daqiiqado kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Jubbaland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka amniga ay xaafadda Calanley ka bilaabeen howlgal lagu raadinayo ragii ka dambeeyay falkii dilka ahaa ee xalay ka dhacay xaafaddaas ee Magaalada Kismaaayo.

Todobaadkii horey ayay aheyd markii xaafadda Calanley ee Kismaayo rag hubeysan ay ku dileen maamulihii Shirkadda Amal Xarunteeda Magaalada Kismaayo, waxaana laamaha amniga Jubbaland ay weli wadaan baaritaano kale oo lagu ogaanayo cidii ka dambeeysay falkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media