Dil ka dhacay Xaafad ka tirsan Kismaayo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Nin la sheegay inuu shacab ahaa.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Via-Afmadow ee Kismaayo, isla markaana waxaa Ninkaas u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado, kuwaasi oo dhowr rasaas ku dhuftay Marxuumka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ninka la dilay uu ahaa Guddoomiyihii Xaafadda Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmed Buula Ibrahim.

Ragii ka dambeeyay dilkiisa ayaa goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa durbo gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland, kuwaasi oo goobta ka soo qaaday Meydka Marxuumka.

Intaasi kadib Ciidamada ayaa saameeyay howlgalo kala duwan oo lagu raadinayo ragii fuliyay falkaas, hayeeshee ma jiro weli cid loo soo qabtay falkii lagu dilay Axmed Buula Ibrahim.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa  waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha, waxaana inta badan dilalkaas sheegtay Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media