Dil ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo faah faahin kasoo baxeysa

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa ay Maanta ku dileen Nin la sheegay inuu Odey ahaa.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in dilkan uu sigaar ah uga dhacay qeybta lagu iibiyo Daawadda ee Suuqa Bakaaraha, isla markaana Ninkaas la toogtay xiligi uu halkaas ku sugnaa.

Warar qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Odeyga ee la dilay uu kamid ahaa Dadaaleyda dhulalka Guryaha ku yaalla Muqdisho, waxaana goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay dilkaas.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta, iyagoo ka soo qaaday Meydka Odeya la toogtay, waxaana halkaas ay ka sameeyeen baaritaano kala duwan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhacay dilala qorsheysan oo ay geystaan ragga dhalinyarada ah ee ku hubeysan Bastooladaha, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media