Dil ka dhacay Magaalada Laascaanood iyo faah faahin kasoo baxeysa

Kooxo hubeysan oo aan qeybtooda la garan ayaa xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dilay wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Laascaanood.

Wiilka dhallinyarada ahaa ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Camaar Cabdullaahi, waxaana uu kamid ahaa darawalada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, Marxuumka ayaa u dhintay rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxihii hubeysnaa ee dilka geystay ay ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay oo aheyd bartamaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, Camaar ayaa kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gaaray goobta falka, isla markaana sameeyay howlgal lagu baadi goobayey dadkii ka dambeeyay dilkii xalay Magaalada ka dhacay. Mudda dheer waxa Laascaanood ka socday dilal lagu hayay shacabka ku dhaqan degmadaaas, lama sheegin cid loo qabtay falalkaas amni darro ee dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor