Dil ka dhacay Dhuusamareeb iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow uu ka dhacay dil loo geystay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Dad ku sugan Dhuusamareeb ayaa Idaacadda Dalsan waxaa u sheegeen in dilkaas uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Xarunta Xaafada waaberi ee Dhuusamareeb, isla markaana uu falka geystay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qofkii shacabka iyo Askariga ka tirsan Ciidanka uu soo kala dhex-galay muran kooban oo aan faah faahin laga helin, kaasi oo markii dambe sababay in qofkii shacabka la toogto.

Intaas kadib Askarigii falka geystay ayaa goobta si Deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa halkaas daqiiqado kadib tegay Ciidamo ka tirsan dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka, iyagoo qaaday Meydkiisa.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa horey uga dhacay dilal ay geysteen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo falka kadib baxsaday, hayeeshee markii dambe lasoo qabtay lana horgeeyay sharciga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media