Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso duleedka Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa xiisad Colaadeed ay ka taagan tahay halkaas.
Xiisadan ayaa sigaar ah uga taagan deegaan lagu magacaabo Jiicle oo hoostaga Balanballe,waxaana ay timid kadib markii halkaas lagu dilay ruux la sheegay inuu ahaa Xoolo Dhaqato.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in Maleeshiyaad hubeysan ay dileen Ninkaas oo kamid ahaa dadka deegaanka,kuwaasi oo falka kadib goobta ka baxsaday.
Sidoo kale dilkii ka dhacay deegaanka Jiicle ee hoostaga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa la tilmaamay inuu ahaa mid la xiriira aanooyin Qabiil.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Balanballe iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug oo ku aada dilkii halkaas ka dhacay.