Dil ka dhacay Boosaaso iyo faah faahin kasoo baxeysa

Faah faahin ayaa laga helayaa Rag ku hubeysan Bastoolado oo gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Canshuuraha Bariga ee Maamulka Puntland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Sarkaalka la dilay xili uu ku sugnaa Xarun Ganacsi oo lagu magacaabop Yamayska, isagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Faarax Maxamed oo loo yaqaan Caynab, isagoo kamid ahaa Ciidanka Canshuuraha Bariga, waxaana goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii hubeysnaa.

Intaas kadib Ciidamo ka tirsan kuwa laamaha amniga Boosaaso ayaa daqiiqado kadib tegay halka uu dilku ka dhacay, isla markaana kasoo qaaday Meydka, sidoo kalena ka wada howlgal baaritaano ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in howlgalka lagu qabtay dad goobta ka Agdhawaa xiligii la dilayay Faarax Maxamed, waxaana weli socda baaritaano, iyadoo uu hakad ku jiro qeyb kamid ah Ganacsiga ku yaalla halkaas.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidanka Puntland ee halkaas ku sugan, waxaana dilalkaas inta badan sheegtay Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media