Dil ka dhacay Bariga Gobolka Mudug iyo faah faahin ka soo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Maleeshiyaad hubeysan oo xalay deegaano ka tirsan Bariga gobolka Mudug ku dilay Nin la sheegay in uu ahaa xoolo dhaqato.

Maleeshiyaadka ayaa weeraray Goob uu ku sugnaa Ninka Xoolo dhaqatada ah oo u dhow deegaanka Bali Bulse,waxaan la sheegay inay markii hore iska caabin kala kulmeen,hayeeshee dhaawac ay u geysteen uu u geeriyooday.

Ninkaas la dilay ayaa dadka deegaanka waxa ay Da’diisa ku sheegeen ilaa 35 Sanno jir,isla markaana ka mid ahaa dadka Xoolo dhaqatada ah ee Bariga Gobolka Mudug.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas iyo sababta loo dilay Ninka xoolo dhaqatada ahaa,hayeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan inay la xiriirto aanooyin qabiil.

Mas’uuliyiin Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland weli kama hadlin dilkaas,waxaana Meydka Ninka la dilay loo soo qaaday dhinaca deegaanka Bali Bulse,halkaas oo ay eheladiisa ku sugan yihiin.

Deegaanada Bari ee Gobolka Mudug ayaa marraka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo dhinaca aanooyin qabiilka ah,waxaana sidoo kale horay uga dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor