Dil iyo weerar Bambaano oo ka dhacay Magalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Maanta loogu geystay isgoyska  Bakaaraha ee Magalada muqdisho Nin dhalinyaro ahaa kaas oo la sheegay inuu ka mid ahaa kuwa rara gawaarida.

Dilka askariga kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo doonayey inay qaadaan meydka Askariga,waxana la sheegay in laba bam gacmeed lagu weeraray askartaas.

Weerarka bam baanoyinka ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in ay ku dhaawacmeen laba ruux oo shacab ah,waxaana Wiilka la dilay Magaciisa lagu soo koobay Dhocey.

Ciidamada dowladda ayaa haatan waxa ay howlgal ka wadaan halka uu dilka ka dhacay mana jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilkaas iyo weerarka bam baano.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor