Dil Caawa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid

Kooxo hubeysan ayaa Caawa qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku nool Gudaha degmadaas.

Dilka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay agagaarka Labaajada Mahad-Alla oo ku taalla Wadada Warshadaha ee degmadaasi Yaaqshiid.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa waxaa ka soo baxay Warar kala duwan,waxaana dadka deeganka qaarkood ay sheegeen in uu ahaa ruux marwalba la jooga Ciidamo ka agdhaw halkaas balse uusan aheyn Askari.

Ragii ka dambeeyay dilka wiilkaas dhalinyarada ah ayaa Goobta ka baxsaday, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo Caawa halkaasi baaritaano ka wada.

Habeenadii u dambeeyay ayaa Gudaha Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan. Waxaana barbar socda howlgallo ay wadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media