Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Jubbaland oo Maanta bilaabaneysa 

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubaland.

Guddiga oo shalay soo saaray Jadwalka doorashada Aqalka Sare ayaa sheegay in Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 28-ka July 2021 ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka Sare ee Jubbaland.

Diiwaa-gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee loo gudbiyay Guddiga hirgelinta ayaa isla Maanta ku eg, sida ku Cad Jadwalka lasoo saaray, waxaana kuraasta ku tartamaya 9 Musharax.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubaland.

Xubnahan oo loo gudbiyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland (SIET) ayaa ah afar kursi oo lagu tartami doono, waxaana dib ugu soo laabtay Tartanka Senator Fartaag, Ilyaas Gaboose, iyo Senator Iftin Xasan Baasto.

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jubbaland ayaa lagu wadaa inay maalinta berri oo khamiis ah ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaas ka socda diyaar garoow ballaaran oo ku aadan doorashada dhaceysa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor