Digniin laga soo saaray xaalad adeg oo kusoo wajahan Dalal ay ku jirto Somalia

In ka badan 50 malyuun oo qof oo ku nool bariga iyo bartamaha afrika ayaa u baahan gargaar deg deg ah oo cunto ah sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay heyada Oxfam.

Warbixinta waxay tilmaantay in arintan ay sabab u tahay isbadalka cimilada gobalka ka jirta, waxaana dhici karta in tirada dadka gargaarka u baahan ay intaa ka badnaan doonto.

Laga bilaabo bartamaha bishaan December ayaa waxaa la saadaalinayaa in heerka roobka uu hoos u dhaco sida warbixinta lagu sheegay wadamada South Sudan, Somalia, Ethiopia, Kenya, Tanzania, Rwanda iyo  Uganda.

Arintan ayaa keeni karta in malaayiin qof ay gaajo wajahaan sanadka soo socda ee 2021 sida Oxfam ay tilmaantay.

Digniintan ayaa imaaneysa iyada maanta oo sabti uu dhacayo kulan madaxda caalamku kaga arinsanayaan saameynta isbadalka cimilada iyo waxa laga yeelayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media