Digniin laga soo saaray Hoteelada ku yaalla Magaalo ka tirsan Somaliland

Maamulka Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ee Somaliland ayaa soo saaray Digniin Cusub oo ku socota Milkiilayaasha Hoteelada ku yaalla halkaas, kadib Qoraal kasoo baxay Maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo Qoraal soo saaray ayuu ku amray Milkiilayaasha Hoteelada Laascaanood in aan hoteelada lagu qaban karin shirar iyo munaasabado lagu taageerayo Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya iyo wixii lid ku ah Madaxtinimada Somaliland.

Qoraalka Guddoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa waxaa lagu xusay in Digniinta lasoo saaray ay tahay midii ugu dambeeysay ee loo dirayo Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada Laascaanood, sidoo kalena cidii fulin weyda laga qaadayo tallaabo adeg.

Ugu dambeyn Booliska Somaliland ee Gobolka Sool ayaa la faray inay la socdaan dhaq-dhaqaayada Hotelaada Laascaanood iyo Guriyaha ku yaalla Magaalada, waxaana la tilmaamay in tallaabo sharci ah laga qaado doono cidii ku xad-gudubta amarka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Sool.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media