Digniin laga soo saaray Ayax hor leh oo ku wajahan Gobolada Somalia

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cunada iyo beeraha qaabilsan FAO ayaa ka digeysa Ayax hor leh oo ku wajahan bartamaha soomaaliya oo horay ayaxu saameyn lixaad leh ugu hayay.

Dhasha ayaxa ee koronkorada ayaa laga bilaabo isbuucan is uruursan doonta waxayna aad uu sii kordheysa inta bishaan December ka dhiman ilaa bisha Janaayo ee sanadka 2021 sida FAO ay tilmaantay.

Laga bilaabo bartamaha December ayax dhalaan ah oo xoog badan kaas oo ka yimi dhanka koonfur bari itoobiya ayaa la saadaalinayaa in uu ku dago gobolada koonfurta Soomaaliya.

Qeybo ka mid ah gobalada waqooyi Barri Soomaaliya waxaa iminka ku sugan ayaxa waaweyn oo bilaabay in uu ugxaan dhigo taas oo saameyn kale yeelan karta.

Puntland iyo Galmudug ayaa ka mid ah meelaha ugu daran Soomaaliya ee uu Ayaxu aafeeya, waxaana xusid mudan in Ayax uu baabi’iyay dalagyo sanadkaan bareeray, iyadoona dowladda  Soomaaliya ay Gobolada ka bilowday buufinta Ayaxa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media