Digniin la xiriirta COVID-19 oo loo diray Shacabka Soomaaliyeed

Tala-bixiyaha Caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta iyo saameynta xad dhaafka ah ee cudurkaan sida dhaqsaha ah ku faafa uu ku yeelan karo dalkeenna xilli dunida inteeda badan ay dadaal xooggan ugu jirto cirib tirkiisa.

Dr Maxmed Cali Fuje ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed kula taliyay inay si wadajir ah u qaataan talooyinka caafimaad iyo ammarrada dowladda ee qaybta ka qaadanaya xakameynta faafitaanka COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada naf-badbaadinta ah.

Waxuu sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan is-jaceylka iyo is-dhex-galka uu qayb ka qaadanayo faafitaanka COVID-19, maadaama cudurku uu yahay cudur si sahlan loo kala qaadi karo, waxuuna bulshada ka codsaday in dhaqankaas la bedelo intii lagu guuleysanayo xakameyntiisa.

Dhakhtarka waxuu walaac ka muujiyay kororka xaaladaha COVID-19 oo tusaale u noqon kara in tira badan oo dadka Soomaaliyeed ah uu soo ridan karo,  dalkeennuna uu xudun u noqon karo cudurka, hadii la iska indha tiro saameyntiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media