Diblomaasiyiin Mareykan ah oo lagu weerarey dalka Sudan

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku tilmaamay weerar “ka-taxadir la’aan ah” lagu qaaday kolonyo dublamaasiyadeed oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalka Sudan, xilli uu dagaalku dhex maray ciidamada dalkaasi, iyo ciidamada jabhadda u hawl gala sida deg degga ah ee(RSF).

“Tallaabadan waxay ahayd mid taxadar la’aan ah, waxay ahayd mas’uuliyad darro, dabcan waa mid aan ammaan ahayn,” ayuu u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan dalka Japan, oo uu kaga qayb-galay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee G7.

“Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa guud ahaan amniga guud ee deegaanada ay ku yaallaan xarunta safaarada” ayuu yiri.

Waxay timid markii uu Mr Blinken la hadlay madaxa ciidamada, Abdel Fattah al-Burhan, iyo madaxa RSF Mohammed Hamdan Dagalo, oo uu ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay xaqiijinta ammaanka shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo shaqaalaha gargaarka.

Safiirka Midowga Yurub ee Suudaan, Aidan O’Hara, ayaa goor sii horreysay la sheegay isna in lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Khartoum, iyadoo uu dagaalku dhexmaray ciidammada dowladda iyo ciidammada RSF.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor