Dibadbaxyo ka dhan ah Yuhuuda oo ka dhacay dalka Turkiga  

Kumanaan qof ayaa waxay Dibadbaxyo ballaaran ka dhigeen agagaarka Dhismaha Safaaradda Yuhuudda ku leedahay caasimadda Turkiga ee  Ankara iyo Qunsuliyadda ay ku leeyihiin Istanbul.

Dibadbaxyaasha ayaa waxay wateen Calanka Falastiin iyo Boorar ku qornaa Erayo lagu taageerayey Qaddiyada Reer Falastiin. Waxay kaloo ku dhawaaqayeen hadalo ay ku cambaaraynayeen Yuhuudda iyo Maraykanka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu xalay Khadka Telefoonka kula xiriiray Madax Carbeed, oo ay ka wada hadleen Tacadiyada ay Yuhuudda ka wadaan Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Quddus.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Teyib Erdogan ayaa Madaxda uu la hadlay waxay kala yihiin:

Boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdalla Bin Xuseen, Amiirka Kuweyt,Sheekh  Nawaat Al-Sxked Al-sabaax, Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud  Cabaas  Abu Maasim iyo Hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS,  Ismaaciil Haniyah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor