HomeWararDibadbaxayaal ka caraysan Somali oo xirtay wadada isku xirta dalalka Ethiopia iyo...

Dibadbaxayaal ka caraysan Somali oo xirtay wadada isku xirta dalalka Ethiopia iyo Jabuuti

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dibadbaxayaal ka soo jeeda Maamul-gobaleedka Cafarta ay maanta xireen Waddada weyn isku xirta Ethiopia iyo Jabuuti, isla markaana ah jidka ugu weyn ee ay maraan badeecadaha la dhoofinayo iyo kuwa la soo dejinayo. Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba ayaa qoray inay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanayaan in la soo af-jaro waxa ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dibadbaxayaal ka soo jeeda Maamul-gobaleedka Cafarta ay maanta xireen Waddada weyn isku xirta Ethiopia iyo Jabuuti, isla markaana ah jidka ugu weyn ee ay maraan badeecadaha la dhoofinayo iyo kuwa la soo dejinayo.

Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba ayaa qoray inay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanayaan in la soo af-jaro waxa ay ku sheegeen shilal rabshado wata oo ay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay geysteen Koox Soomaali ah oo ka soo jeeda Qabiilka Ciisaha.

- Advertisement -

Dibadbaxayaasha waxay sheegteen in rabshadahaasi lagu dilay  dad badan oo Cafar ah, isla markaana hanti badan la burburiyey.

Jidka la xiray ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo magaallooyinka SEMERA iyo Awaash.

Sawiro laga soo qaaday Jid-gooyadda taalla Waddadaasi ayaa muujinaya dhowr Gaadiidka Xamuulka oo waddada taagan.

- Advertisement -

Sidoo kale, Jid-gooyadaasi waxay waxyeello u geysatay  waddada xadiidka ee ay isticmaalaan Tareenadda u kala goosha dalalk Ethiopia iyo Jabuuti

Dhinaca kale, Dibadbaxayaasha Qowmiyadda Cafarta waxay sheegeen inaysan ku faraxsanayn Go’aankii Dowladda Federalka Ethiopia ee Ciiddanka Khaaska ee Cafarta looga saaray Deegaanadda ay rabshaduhu ka dhaceen.

dibadbaxayaasha Cafarta waxay kaloo codsanayaan in Deegaanadooda laga daad-gureeyo  dadka ka soo jeeda Beesha Ciisaha ee Soomaalida ee ay isla degaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts