Dib u habeyn lagu sameeynayo Qaxoontiga ku sugan Somaliland

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daaf-furay shirka dib u hubinta tirada qaxoontiga ka diiwaan gashan Somaliland, munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay tiro koobka qaxoontiga ku sugan halkaas, isagoo ku ammaanay Hay’adda Qaxoontioga iyo Barakacayaasha shaqada culus ee ay bilowday.

Madaxweyne ku xigeenka oo furay Xafladaasi ayaa  yiri “Salaan ka dib waxaa runtii maanta sharaf iyo farxad weyn noo ah in nidaam lagu diiwaan gelinayo dadka magan galyo doonka ah ee qaxoontiga Somaliland inala jooga oo lagu ogaanayo tiradooda rasmiga ah inay tahay arin aad iyo aad u muhiima”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu sheegay inaan maanta qaxoontiga ku sugan Somaliland aanay dareemin wax faquuq ah islamarkaana ay nabad gelyo ugu nool yihiin waddanka “Waxay taasi muujinaysaa inaynu innaguna Caalamka shuruucdiisa aynu dhawrno waana ta keentay in laynoo yimaado maanta dadku magan gelyo inoo soo doontaan oo inay nabad ku noolaadaan inoo soo raadsadaan oo ay inagu dhex nool yihiin oo aanay faquuq ka dareemin Somaliland maanta”

Dhanka kale Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku laamaha kala duwan ee ku booriyey inay diiwaan gelintaa kala shaqeeyaan Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media