Dib u dhis lagu bilaabayo Waddo muhiim ah uu ku burburtay Roobkii da’ay Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuca Dayactirka Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo Wadada Isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo ay waxyeelo kasoo gaartay Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland.

Dayactirka Wadada Garoowe-Boosaaso iyo Garoowe-Laascaanood oo Madaxweynuhu ballan qaaday in Puntland  ka shaqeynayso sidii dhakhso wax looga qaban lahaa, ayaa wakhtigii loo qorsheeyay maanta ka bilowmay deegaanka Sin-ujiif ee duleedka Garoowe.

Mashruucan oo lagu dayactirayo Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo tan kale ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, waxaa uu ka koobanyahay dhowr weji oo kala ah in la dhiso dhammaan meelihii ay wadadu ka burburtay, kadibna loo gudbo in la dayactiro buundooyinka iyo meelaha kale ee u muuqda kuwo u dhow inay mustaqbalka dumaan, ujeedkuna waa in Wadooyinkaasi lagu soo celiyo sidii hore loogu dhisay ama si ku dhow.

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey Mashruucan iyo muhiimada uu u leeyahay Guud ahaan Puntland

Kulanka waxaa ku weheliyey Madaxweyne Deni , Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Madax ka socota Shirkadda CCECC ee dalka China oo dhisaysa wadada, Masuuliyiinta Hayádda Wadooyinka Puntland, Ganacsato iyo bulshada deegaanka Sin-ujiif.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media