Dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Axad ah taariikhduna ay tahay 5-ta Bisha Luulyo, waxaa lagu waday inuu furmo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay yeelan lahaayeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, hayeeshee waxaa uu baaqday.

Shirka oo la qorsheyay inuu socon doono inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu ahaa sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Weli ma jiro Madaxweyne maamul Goboleed oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo Shirka, waxaana xusid mudan in Shirkaas ay horey u qaadaceen Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo Dowladda Federaalka u jeediyay eedeeymo kala duwan oo ku aadan Arrimaha Siyaasadda dalka.

Shirkaan Maanta u qabsoomi lahaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa horey uga sii horeeyay kulan dhinaca Internet-ka oo ay yeesheen dhinacyada, kaasi oo lagu Go’aamiyay in fuliyo balan qaadyo dhowr ah oo saabsanaa Arrimaha dalka, si heshiisyo siyaasadeed loo gaaro.

Kal horeeyay aheyd markii shir maalmo dhowr ah u socday uu Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ku dhexmaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, hayeeshee shirkaas ayaa kusoo dhamaaday Natiijo la’aan.

Si kastaba ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Madaxtooyadda Somaaliya oo ku aadan dib u dhaca Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku Casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Comments
Loading...