HomeWararDhuusamareeb:Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la soo saaray

Dhuusamareeb:Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la soo saaray

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug garabka Magalada dhuusamareeb ee dhawaan sheegay inay xilkii ka qaadeen Cali gacal Casir ayaa waxa ay soo saareen jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Kulan ay ku yeesheen Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku sheegeen in codsiyada Xubnaha isasoo sharaxaya ay Maanta oo Khamiis ah bilaaban doonto […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug garabka Magalada dhuusamareeb ee dhawaan sheegay inay xilkii ka qaadeen Cali gacal Casir ayaa waxa ay soo saareen jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Kulan ay ku yeesheen Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku sheegeen in codsiyada Xubnaha isasoo sharaxaya ay Maanta oo Khamiis ah bilaaban doonto kuna egtahay 22-ka bishan oo ku beegan Maalinta sabtida.

- Advertisement -

Xoghayaha gudiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Xildhibaan Mire ayaa sidoo kale sheegay in 23-ka bishan Xildhibaanada su’aalo weedyiin doonaan musharixiinta,halka hadal jeedinta ay noqon doonto 24-ka bishan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay dhici doono 25-ka Bishaan Maalinta talaadada ah ee soo socota.

Si kastaba tallaabada ayaa ku soo aadeysa xilli Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ay ku sugan yihiin guddigii Aqalka sare u xil saaray xalinta khilaafka Dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay soo bandhigeen shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts