Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug Garabka ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta halkaasi ku dhoortay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Doorashadan lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ku tartamay saddex musharax,kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Salaad Ceynte,Xildhibaan Aadan Xaaji iyo Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed.
Intii ay doorashada socotay ayaa waxaa loo baahday Wareeg labaad,balse inta aan loo gudbin ayaa waxaa tanaasulay Labo Musharax oo laga cod badiyay,iyada oo xildhibaan Aadan Xaaji ayaa helay 37 Cod,halka Xildhibaan Salaad Ceynte uu isna helay 5 Cod.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug Garabka ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug u doortay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo helay Codad gaaraya 93 Cod.
Xarunta ay ka dhaceysay Doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo kulanka Ajendihiisu ahaa doorashada shir Guddoominayay,waxaan soo xaadirtay 137 xildhibaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxa ay hore u sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Guddoomiye Cali Gacal Casir,iyagoona u kala jabay labo garab,waxaana Garabka ku sugan Cadaado ay dhawan sheegeen inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf halka kuwa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay ay iyana sheegeen inay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha Baarlamaanka,isla markaana Maanta ay guddoomiye doorteen.
Khilaafka u dhaxeeya Madax sare ee maamulka Galmudug ayaa haatan maraya heerkii ugu sareeyay,iyadoo Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Aqalka Sare uu isku dayay in uu xaliyo Khilaafka,Balse uusan ku guuleysan.