Dhowr Wasiir Arrimo Dibadeed oo kulan ka yeelanaya Heshiiska Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka iyo Madaxa Siyaasadda Dibedda ee EU-da waxay maanta kulan ku yeelanayaan magaalladda Brussels, si ay uga wada xaajoodaan Heshiiska Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

Kulanka Wasiirada Arrimaha Dibedda ee EU-da waxa uu ku soo beegmay wax ka yar hal isbuuc, kadib, markii ay Dowladda Iiraan sheegtay inay ka bixi doonto  dhowr qoddob oo ka mid ah Heshiiskii Caalamiga ee sannadkii 2015-kii haddii aysan helin badbaado dhaanka Cunaqabataynta shidaalkeeda iyo qeybta  Bangiyadda.

Dowladaha EU-da waxay ku gacan-sayreen shuruudahaasi, balse waxay sheegeen inay ka daacad tahay sidii loo dhowri lahaa Heshiiska Nukliyeerka Iiraan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mayk Bombeeyo ayaa isagana booqasho aan la shaacinin ku tegay Brussels, si uu dhigiisa dalalka Britain, Faraniiska iyo Jarmalka ugala hadlo sidii cadaadiska loogu kordhin lahaayeen Dowladda Iiraan oo ay caddowtooyo kala dhexeyso Maraykanka..

 

 

Comments
Loading...