Dhowr qof oo surka looga gooyey dalka Masar

Saraakiisha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in Maleeshiyo gacan-saar la leh Kooxda Daacish ay 4 qof surka kaga gooyeen Waqooyiga Gacan-biyoodka Siinaay.

Maleeshiyadda ayaa la sheegay inay shlaay weerareen koox dad ah oo ku sugnaaDegmadda Yar ee Bir Al-abdi, kadibna ay qoorta ka gooyeen 4 qof, halka qof 5-aad ay horey u afduubteen.

Wararka waxay sheegeen in Dhibanayaasha la dilay iyo midka la qafaashay ay Maleeshiyadda ku tuhmeen inay la shaqeeyaan Ciiddanka Ammaanka ee dowladda Masar.

Maleeshiyadda taabacsan Kooxda Daacish waxay ka hawl-galaan inta badan Deegaanadda ku teedsan Lama-degaanka Gacan-biyoodka Siinaay, waxayna beegsadaan Ciiddanka Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media