Dhowr qof oo lagu dilay Suudaan iyo Golaha Milliteriga Baaq diray

Ugu yaraan 4 qof ayaa shalay lagu dilay magaallooyinka Khartuum iyo Undurmaan, kadib, markii ay Ciiddanka rasaas ku fureen Dubadbaxayaal.

Guddiga Dhakhaatiirta dalkaasi ayaa sheegay in 2 qof lagu dilay Khartuum, halka 2 kalena lagu dilay magaalladda Undurmaan.

Tirada dadka lagu dilay dalkaasi tan iyo bishan June 3-dii ayaa la sheegay inay gaarayaan 118 qof, sida ay sheegeen isbahaysiga Mucaaradka.

Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi waxaa kaloo la sheegay inay xireen tiro ka mid ah Saraakiisha iyo Shaqaalaga Garoonka Diyaaradaha iyo Bangiga Dhexe ee Suudaan, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA.

Dhinaca kale, Afhayeenka Golaha Milliteriga ee haya Talada Suudaan ee TMC, Shamsudiin Al-kabashi oo ka hadlay Telefishinka Qaranka waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Dibadbaxayaasha inay soo af-jaraan Dibadbaxyadda, isagoo dhanka kale sheegay inay Golaha TMC doonayaan inay dib-u-eegaan inay wada-xaajood la galaan Mucaaradka

Isniintii la soo dhaafay, Madaxa Golaha Milliteriga ee TMC, C/fataax Al-burhaan waxa u ulaalay Heshiisyo ay horey ula galeen Mucaaradka, wuxuuna ku baaqay doorashooyin la qaban doono muddo 9 bilood gudaheeda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media