Dhowr Qof oo ehel ah oo lagu dilay Gobalka Mudug

Wararka Idaacada dalsan ay ka helayso gobalka Mudug ayaa ku waramaya in xalay saqdii dhexe koox hubaysan una abaabulan hab beeleed in ay dhowr qof oo ehel ahaa ay ku dileen deegan ka tirsan gobalka Mudug.

Dad ku sugan gobalka Mudug ayaa dalsan u xaqiijiyay in Tuulo lagu magacaabo Xaafaadle una dhow deegaanka Bali-busle oo ka tirsan gobalka Mudug lagu dilay 3-ruux oo xoola dhaqataa ehelna ahaa,sida la sheegay weerarkaan waxa fuliyay Maleeshiyaad hubaysan iyada oo dilkaanlala xiriirinayo aano qabiil.

Maamulka Galmudug oo aan la xiriirnay si aan waxa uga weydiino arrintaan waa ay ka gaabsadeen,xaaladda deeganka ay dhacdadaan ka dhacday ayaana maanta degan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media