Dhooba-daareed oo Markale sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee Khamiistii la soo dhaafay xilka looga Mooshin ee Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed ayaa mar kale sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Baaramaanka Puntland.

Guddoomiye Dhooba-daareed oo Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Degmada Xingalool  ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa uu sheegay in weli xilka aan laga qaaday, isla markaana waxaa uu sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista ay ku sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale Dhooba-daareed ayaa waxaa uu tilmaamay in sharci uu ku yimid xilka Guddoonka, isagoona ku adkeestay in uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka uuna ku yimid sifo sharci ah.

Dhinaca kale Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed ayaa Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoona weerarkaas si kulul u Cambaareeyay.

Ugu dambeyntii Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee Dhooba-daareed ayaa waxaa uu tilmaamay in Puntland ay u baahan tahay badbaadin, wuxuuna Bulshada ku dhaqan Gobolada Sool iyo Sanaag ugu baaqay iskaashi  iyo wadashaqeyn.

Si kastaba Khamiistii la soo dhaafay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Codka kalsoonida kala noqday Guddoomiye Dhooba-daareed, waxaana Xildhibaanada lagu wadaa in Guddoomiye Cusub ay soo doortan maalmaha soo socda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media