Ugu yaraan 11 qof ayaa geeriyootay, in ka badan 30-kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii gaari uu waday Sarkaal Bolis uu jiiray dad ku xoonsanaa Xaflad ka socotay Gobalka Gombe ee W/bari ee dalkaasi.
Wargeyska The Nation ee ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Abuuja ayaa qoray in Dareewalka uu xakamatn kari waayey gaariga, taasi oo sababtay inuu jiiro dad u dabaal degayey Munaasabadda Masiixiyiinta ee Easter-ka.
Dadka ku gereiyooday shilkaasi waxaa ka mid ahaa Sarkaalkii kaxaynayey gaarigii uu dadka jiirsiiyey.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Boliska Nigeria, Maxamed Aadaamu waxa uu amray in baaritaan lagu sameeyo shilkaasi oo ka dhacay waddada isku xirta Gombe iyo Biyu ee W/bari ee dalkaasi.