Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Roob xoogan oo ka da’ay Magaalada Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa gelinkii dambe ee Maanta ka da’ay roobab xoogan.

Roobabka oo ahaa kuwa xoogan ayaa Hargeysa iyo deegaanada hoos yimaada ka da’ayay saacado xiriir ah,isla makaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ahaa.

Sidoo kale Roobkan ayaa watay dabeylo oo burburiyay guryo ku yaallay Magaalada Hargeysa,waxaana qeybo badan oo kamid ah Magaalada ka maqan Caawa Korontada.

Waxaa kaloo uu saameeyn ku reebay roobkii Hargeysa gaadiid badan oo yaallay laamiga dhinaciisa,waxaana kusoo kor dumay boorar badan oo surnaa laamiga dhinaciisa.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay roobka,waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 16 ruux,waxaana la dhigay isbitaalada ku yaalla halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media