Hal qof ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino uu maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa oo ahaa mid miino ah ayaa lala beegsaday gaari NOAH ah oo kusii jeeday garoonka diyaaradaha si uu u soo qaado jaadka. Miinada ayaa ku qaraxday gaariga, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dadka saarnaa.
Dadka waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa waxaa ka mid ah Cumar Carabeey, oo ahaa wiil dhalinyaro ah kana mid ahaa rakaabka gaariga, kaas oo goobta ku geeriyooday. Sidoo kale, laba qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo haatan lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Baraawe.
Ilaa hadda, ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa inta badan lagu eedeeyaa weerarrada noocan oo kale ah ee ka dhaca gobolka.
Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaan ku aaddan qaraxa, inkastoo aan weli wax faahfaahin ah laga helin warbaahinta rasmiga ah ee laamaha amniga.