Weerar sababay Dhimasho iyo dhaawac oo Caawa ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in caawa Bom gacmeed lagu tuuray Bar koontrool oo Magaalada ku taalla, waxaan kasoo baxaya warar kala duwan.

Bomka ayaa la sheegay in la tuuray intii u dhaxaysay salaada maqribka iyo Cishaha, waxaana
lagu tuuray isgooska Soomaali istaar oo ah barkoontarool oo laga sugo amniga.

Hal qof ayaa dhintay Ilaa 7 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay dhawacmeen qaraxa ka dib goobta waxa gaaray Ciidamada Booliska waxayna halkaas ka sameyeem howlgal.

Goobta lagu tuuray bamka ayaa hada dib u farmatay waxaa bilowday isu socodka gawaarida iyo dad waynaha oo mudo kooban hakad galay, waxaana wararku intaa ku darayaan in Dadka dhaawacmay hada lagu dabiibayaa isbitaalka wayn ee Magaalada Kismaayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor