• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Dhimasho iyo dhaawac ka dhacay Dagaal Culus oo Ka Socda Shabeelaha Hoose

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 22, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Dhimasho iyo dhaawac ka dhacay Dagaal Culus oo Ka Socda Shabeelaha Hoose
84
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Deegaanka Yaaqbariweyne ee hoostaga degmada Wanlaweyn, gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed deegaanka ka soo jeeda. Xaaladda ayaa sii cakirantay iyadoo dagaalku uu sababay khasaare xooggan oo soo gaaray labada dhinac.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku sugan goobta dagaalka, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaad ku sugnaa Yaaqbariweyne iyo tuulooyin ku dhow. Weerarka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii maleeshiyaadkaasi isbaarooyin u dhigeen gaadiidka isticmaalaya waddada u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Buurhakaba, taasoo keentay in maamulka Koonfur Galbeed uu go’aansado inuu qaado howlgal milatari oo lagu sifeynayo waddooyinka.

Saraakiisha ciidamada daraawiishta ee Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu ka dhan yahay maleeshiyaadkii isbaarooyinka dhigtay, iyagoo tilmaamay in ay ku guuleysteen inay la wareegaan goobo muhiim ah oo dagaalku ka socday. “Waan ku qasbanahay inaan tallaabo qaadno marka la weeraro shacabka iyo ganacsiga xorta ah ee ka dhex socda gobolkayaga,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Dhinaca kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ay ciidamada Koonfur Galbeed ku qaadeen deegaanka Yaaqbariweyne. Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed in dagaalka uu yahay mid qabiileysan, isagoo sheegay in maleeshiyaadka deegaanka ay difaacayaan naftooda iyo hantidooda. “Dagaalkan waa mid si cad loogu soo qaaday beel gaar ah, waana arin aan la aqbali karin,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka uu sababay khasaare culus oo soo gaaray ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed, wuxuuna maamulka ku eedeeyay inay masuul ka yihiin dhiigga daadanaya iyo dhibaatada ka dhacday Yaaqbariweyne. “Maamulka Koonfur Galbeed ayaa mas’uul ka ah wax walba oo halkaan ka dhacaya, waxaana naga go’an inaan difaacno dadkayaga,” ayuu yiri.

Xaaladda Yaaqbariweyne ayaa ah mid kacsan, waxaana la filayaa in colaadda ay sii xoogeysato haddii aan xal waara laga gaarin khilaafka u dhaxeeya labada dhinac. Shacabka ku nool deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka socdo ayaa ku jira cabsi iyo welwel, iyagoo ka baqaya in colaadda ay saameyn ku yeelato noloshooda maalinlaha ah. Dadka deegaanka ayaa dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, loona raadiyo xalka wada-hadal iyo nabad lagu heshiiyo.

Previous Post

Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda oo 3,000 Shilin Soomaali ah u toogtay Aabbe dhalay 4 Carruur ah

Next Post

LAYAAB: Cristiano Ronaldo oo mucjiso ka sameeyay mareegta Youtube iyo Leo Messi oo lagu maadsaday

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

July 14, 2025
Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
Caalamka

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

July 14, 2025
Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Next Post
LAYAAB: Cristiano Ronaldo oo mucjiso ka sameeyay mareegta Youtube iyo Leo Messi oo lagu maadsaday

LAYAAB: Cristiano Ronaldo oo mucjiso ka sameeyay mareegta Youtube iyo Leo Messi oo lagu maadsaday

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Shirka dhammaystirka dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa galay maalintiisii labaad maanta, iyada oo si weyn diiradda loo saarayo ajandayaal muhiim...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Nigeria ka dib...

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Mareykanku uu dalka Ukraine u diri doono gantaallada difaaca cirka ee...

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

by Liban
July 14, 2025
0

Lamu, Kenya – In a move aimed at deepening bilateral cooperation and supporting development in regions with a strong Somali presence,...

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
Caalamka

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora
English News

Somali Envoy Visits Kenya's Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”
English News

President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
  • Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
  • Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00