Dhageyso:- Galmudug oo xukun ku riday dhalinyaro lagu eedeyay qalqalgelinta Amniga

Maxkamadda gobalka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa soo gebageysay dacwad lagu soo oogay 4 eedeysane oo haystay ku lug lahaanshaha falal amni daro oo ka dhacay deegaanada Galmudug iyo khal-khal gelin joogta ah oo ay ku hayeen amniga gobalka sida maxkamaddu ay sheegtay.

Afartaan eedeysane ayaa lagu kala xukumay Ganaax lacageed iyo Xabsi,Iyada oo maalmihii la soo dhaafay maxkamddu ay ku hoowlaneed soo afjaridda eedaha loo haystay ragaan.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda gobalka Mudug ee maamulka Galmudug G/dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa sheegay in ragaaan la soo qabtay iyaga oo abaabulaya dhaq-dhaqaaq hubaysan welina aan bilaabin,Falal tuugaysi ah iyo eedeymo kale.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda gobalka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo ku dhawaaqaya Xukunka lagu riday eedeysanayaasha.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Maxkamadda 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor