Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo ku dhawaaqay Go’aan ku aadan Iran

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wraeysi uu bixiyey axaddii ku sheegay in dagaal dalkiisa uu la galo Iran uu burburin doono dhaqaalaha dunida, sidaas darteedna uu door bidayo xal aan ahayn mid militari.

“Haddii dunida aysan qaadin tallaabo xoogan oo sugan oo lagu celinayo Iran, waxaan arki doonnaa in xaaladda sii xumaato oo ay gaarto heer ay halis geliso danaha dunida” ayuu Maxamed Bin Salmaan u sheegay barnaamijka “60 Mintutes” ee taleefishinak CBS.

“Wax soo saarka saliidda ayaa arbushmi doona, qiimaha saliiddana wuxuu cirka u geli doonaa heer aynan nolosheena arag” ayuu yiri dhaxal-sugaha.

“Gobolkan wuxuu soo saaraa 30% tamarta dunida, sidoo kalena waa marinka 20% ganacsiga dunida, iyo 4% wax soo saarka dhaqaalaha dunida. Qiyaas, haddii intaas ay mar qura wada istaagaan” ayuu sii raaciyey.

“Tani waxay la macno noqon doontaa burbur buuxa oo ku yimaada dhaqaalaha dunida, ma ahan kaliya Sacuudiga iyo dalalka Bariga Dhexe.”

Waxa uu sheegay in weerarkii 14-kii September lagu qaaday goobaha saliidda Sacuudiga, kaasi oo dalkiisa iyo Iran ay ku eedeeyeen Iran, uu ahaa mid mas’uuliyad darro ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media