HomeWararDharkeenleey oo ku guuleysatay Koobka Kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada G.Banaadir

Dharkeenleey oo ku guuleysatay Koobka Kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada G.Banaadir

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Degmadda Dharkenleey ayaa ku guuleysatay Koobka Kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada G.Banaadir 2021, kadib cayaar kulul oo Garoonka En.Yariisow kula yeelatay Degmada Warta nabadda ee Gobolkani Banaadir. Labada dhinac ayaaa soo bandhigay cayaar la wada jeclaystay oo ay usoo daawasha tageen kumannaan ka mid ah dad cayaaraha xiiseeya,waxaana intii cayaartu socotay ay labada dhinac Abuurreen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Degmadda Dharkenleey ayaa ku guuleysatay Koobka Kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada G.Banaadir 2021, kadib cayaar kulul oo Garoonka En.Yariisow kula yeelatay Degmada Warta nabadda ee Gobolkani Banaadir.

Labada dhinac ayaaa soo bandhigay cayaar la wada jeclaystay oo ay usoo daawasha tageen kumannaan ka mid ah dad cayaaraha xiiseeya,waxaana intii cayaartu socotay ay labada dhinac Abuurreen fursado goolal loo filan karay.

- Advertisement -

Labada Gool haye ayaa sidoo kale  bad-baadiyay fursado, waxaa isku dayo macquul ah sameeyay weerar yahannada labada kooxood iyo xidigaha khadka dhexe.

Balse cayayarta ayaa ku dhammaaatay barbarro goolal la’aan ah oo labada dhinac wey is mari waayeen,taasi oo keentay in loo baahdo in lagu kala saaro gool ku laad ama Rigoore yaal.

Degmooyinka Dharkeenley iyo Warta nabadda ayaa tuurtay min Todobo gool ku laad, waxaana Degmada Dharkeenlay ay shabaqa ku hubsatay 6 darbo, halki dhiggeeda Warta Nabaddana ay iska khasaarisay labo gool ku laad,taasi oo ka dhigan in 7-6 farqi ah ay guushu ku raacday degmada Dharkeenlay oo ka mid ahayd naadiyada sida weyn loogu saadaalinayay koobka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts