Ciidamada Xoogga dalka ayaa saakay waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalka Shabellada Hoose.
Deegaanada ay howlgalada ka wadaan ayaa waxaa ka mid Bariiri, Tooratoorow iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobalka Shabellada Hoose.
Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay warbaahinta dowladda u sheegeen in Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ka tirsan Gobalka Sh/hoose oo deegaanada qaarkood halkaasi ay kaga sugan yihiin Al-shabaab,isla markaana ka soo qaada weeraro geystay Khasaarooyin kala duwan.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo is-daba joog ah kawada qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, iyagoona deegano badan ka saaray dagaalamayaasha Al-shabaab.