Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo Caawa ka socda Gobolka Jubbada Hoose

Wararka Caawa naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay shegayaan in dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay halkaasi ka wadaan Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Gelinkii dambe ee Maanta degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa gaaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Jubbaland,kuwaas oo diyaarado looga daabulay Magalada Kismaayo.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jubbaland ay duleedyada degmada Afmadow ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Taliyaha Cusub ee loo Magacaabay holwgalka Jubbaland ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa maanta sheegay in Jubbaland ay u diyaar garowday dagaalka Shabaab looga saarayo deegaanada Maamulkaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan sidoo kale si kala gooni gooni ah ula kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada Jubbaland,isaga oo ku amray inay u diyaar garoobaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor