Qof isa soo miidaamiyay ayaa maanta isku qarxiyay xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, xilli halkaasi ay ka socotay diiwaangelinta dhalinyaro ku biiraya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan, iyadoo weli la heyn tiro rasmi ah oo khasaaraha ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in labo mooto bajaaj ah lagu qaaday dhaawacyada, kuwaas oo si degdeg ah loogu daadgureeyay xarumo caafimaad. Qaraxa ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday meel lagu qorayay dhalinyarada cusub, taasoo muujinaysa in weerarku ahaa mid si qorshaysan loo fuliyay.
Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u xiray goobta qaraxa, waxayna wadaan baaritaanno xooggan oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysay weerarka. Sidoo kale, waxaa jirta cabsi laga qabo in qaraxyo kale ay dhici karaan, taasoo keentay in amniga si weyn loo adkeeyo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya wali kama aysan hadlin weerarkan, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ilaa hadda. Sidoo kale, dhacdadan waxay xasuusinaysaa weerar la mid ah oo sanadkii 2023 ka dhacay isla xerada Damaanyo, markaasoo dhalinyaro badan oo ku biiraysay ciidamada la beegsaday.