Dhakhaatiir Sudanese-British ka tirsanaa kooxda Daacish oo lagu dilay Iraq.

Laba Dhakhtar oo asal ahaan ka soo jeeda dalka  Sudan  lagu dilay magaalladda Mosul ee Waqooyiga Iraq.

Dhakhaatiirtaasi la dilay oo la kala oran jirey Axmed Saami Khadiir iyo Hishaam Fadlulaahi ayaa la sheegay inay haysteen Dhalashadda dalka Britain.

Ciiddanka Ammaanka ee Iraq ayaa sheegay in Labadaasi Dhakhtar la dilay maalmo kadib, markii uu Muwaadin haysta Dhalashadda Britain oo la oran jirey Abu Zakariya Al-biritaani isku qarxiyey magaalladda Mosul.

Labada Dhakhtar ee la dilay ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen 9 Arday Sudanese haysta Dhalashadda Britain, oo wax ku baran jirtey dalka Sudan, kuwaasi oo bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii ku biiray Kooxda Daacish.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media