Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed iyo xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran oo Maanta ku wajahnaa Magaalada Baladweyne ayaa loo diiday inay ka dhoofan Garoonka Aadan Cadde.
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in wafdigii ay hogaaminayeen Madaxweyneyaashii hore ee dalka lagu wargeliyay in diyaaradii Baladweyne u qaadi laheyd loo diiday in Garoonka diyaaradaha ka duusho.
Sidoo kale Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in diyaaradii u qaadi laheyd Baladweyne lagu xanibay amar kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya, isla markaana maamulka Garoonka lagu amray in aysan dhoofin karin Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka.
Isaga oo sii hadlaayay Xildhibaan C/risaaq Cumar ayuu sheegay in weli Garoonka ay ku sugan yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif, ayan halkaas ku xayiran yihiin.
Madasha Xisbiyada Qaran ayuu tilmaamay in Maanta Magaalada Baladweyne ay gaarsiin lahaayeen gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaadii ka dhacday Baladweyne.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isna safarkii ku aadi lahaa Baladweyne, hayeeshee waxaa la shaaciyay in Safarkaas uu baaqday.
Si kastaba Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ku dhawaaqday $200,000 (Laba boqol iyo konton kun Dollar) oo ah kaalmo gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed.