(Dhageyso):Madaxweynaha oo booqday Jubbaland kuna ammaanay doorka doorashooyinka 2016(Sawiro).

Kismayo, 05 December 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismayo ee caasimada Dowlad Goboleedka Jubbaland, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey Mudane Ahmed Mohamed Islam (Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Abdulkadir Sheikh Ali Dini, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Maxamed Jamac Mursal (Geele), Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdiraxmaan Dheere, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidamada ah ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa loo soo dhoweeyey si heer sare ah. Madaxweynaha oo weriyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay aheyd inuu la yeesho kulamo wadatashi ah Madaxda Jubbaland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, shacabka iyo xubnaha baarlamaanka labada Aqal si loo dedejiyo inta harsan ee doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha oo la hadlayey wariyeyeaasha ayaa yiri “Waxaan u imid Kismaayo si aan u dhiirigeliyo isla markaasna ugu ammaano Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo guddiyada doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed oo suurtogeliyey in doorashooyinka ay u dhacaan sidii loogu talogalay, kuna qabsoomaan waqtigii loogu talogalay. Sidoo kale waxaan halkan u imid inaan wadatashiyo la yeesho Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay si loo dedjiyo doorashooyinka inta harsan.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in Soomaaliya ay maanta mareyso marxlad aan xildhibaanada Qaranka ku soo dooraneyno gobollada dalka oo tartarn dimoqraadiyadeed uu jiro, tanoo ah guul u soo hoyatay shacabka iyo dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaalka hadda socda iyo ka guul gaarista go’aanadii habraaca doorashooyinka waa wax in muddo ah laga soo shaqeynayey iyadoo ujeedadeenu aheyd in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ka sharciyad xoogan kana matalaad fiican kuwii 2012kii oo 135 Madax Dhaqameed ay soo xuleen Baarlamaankii 2012 iyadoo maanta ay in ka badan 14,000 oo Soomaali ah ay soo dooranayaan 275ta Xildhibaan, halka 54ta mudane ee Aqalka Sare ay soo doorteen Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada, oo aan maanta leenahay xildhibaano lala xisaabtami kara.

DHAMAAD

Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha

Sawiro

1

2

34

5

6

7

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor