Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal beeleedyo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen deegaano hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan,waxaana dagaaladaas ka hadlay Yuusuf Dabageed.
Guddoomiyihii maamulka Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkaas ka soo cusboonaaday Gobolka Hiiraan,isla markaana waxaa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya.
Yuusuf Dabageed oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka labada dhinac ka codsay inay joojiaan dagaalka Allena ay ka baqaan.
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay in wixii dagaalkaas lagu bixin lahaa lagu bixiyo heshiis iyo nabad,isla markaana beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanada ay dirirto ka socoto ay dhexgalaan oo ay waxkasto ay isla wadagaan.
Deegaano hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maalmihii la soo dhaafay kasoo cusboonaday dagaal beeleedyo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana ku geeriyooday in ka badan 20 ruux oo u badan maleeshiyaadkii dagaalamay.
Hoos ka Dhageyso Codka Yuusuf Dabageed.