Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la mamnuucay jarista dhirta oo ay sheegtay in ay dhibaato weyn ku tahay dalka Soomaaliya,iyada oo Golaha Wasiiradda Soomaaliya lahor geeyay.
Dhirta lajaro ayaa inta badan waxaa laga sameeya dhuxusha dalkeena laga dhoofiyo,iyada oo Bulsho aad u farabadan ay noloshooda ku raad sadaan halka qaar kale ay u isticmaalaan in ay waxku karsadaan.
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka Cabdiarxmaan iidaan Yoonis ayaa sheegay in Golaha Wasiiradda ay meel mariyeen in gebi ahaanba la joojiyo jarista dhirta.
Sikastaba waxaa isweeydiin mudan halka ay noloshooda ku maareyn doonaan dadkii ka ganacsan jiray Dhuxusha oo laga sameeyo dhirta ama geedaha,iyada oo meelo fog fog oo Baadiyaha ah lagu soo sameeyo kadibna Magalada inteeda kale lasoo geliyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka Cabdiarxmaan iidaan Yoonis.