Sentar Cabdikaafi Xasan Macalin oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay Go’aankii xalay dowladda Kenya ku xanibtay Wasiiro iyo Xidhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaliya.
Sentar Cabdikaafi ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka looga baahan yahay inay Jawaab cad ka bixiso Go’aankii xalay Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee Nairobi loogu xanibay Mas’uuliyiinta ka socday dowladda ee doonayay inay galaan gudaha Kenya.
Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa la xaqiijiyay in Jomo Kenyatta ku xayirnaayeen in ka badan 15-saacadood,kadib markii loo diidday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto fiisaha dal ku galka Kenya.
Hayeeshee Mas’uuliyiintan ayaa dib loogu soo celiyay Maanta Magaalada Muqdisho,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka Sentar Cabdikaafi Xasan Macalin.