Dhageyso:-Xukuumadda Somalia oo ku dhawaaqday qorsho wax looga bedelayo dhoofinta Xoolaha

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada dardar gelinta qorsho wax looga badalayo xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya ka dib markii maalma ka hor dowladda Sacuudiga ay dib u soo celisay xoolo laga dhoofiyey dekada Magaalada Boosaaso

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khdar) ayaa sheegay in dowlada ay ka fikireyso sidii loo horumarin lahaa xoolaheena ama kor loogu qaadi lahaa ganacsigooda maadaama loo dhoofiyo dalka dibadiisa.

Waxa uu sheegay in sidoo kale in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso waxka bedelka habka  dhoofinta Xoolaha oo uu sheegay in la koontoroolayo Caafimaadkooda,isla markaana baaritaano lagu sameynayo.

Hadalka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Sacuudiga ay soo celisay Xoolo laga dhoofiyey Soomaaliya,iyada oo sheegtay in laga helay Cudurka ku dhaca Xoolaha ee (Rift Valler Fever).

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor