Dhageyso:-Xubno ka tirsan Galmudug oo ka horyimid Wadahadalada dhex dhexaadinta ah

Magalada Muqdisho waxaa ka socda wadahadalo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda uga sareysa Mamul goboleedka Galmudug,

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooneysa in xal laga gaaro khilaafkaas,taas oo muqdisho isugu keentay Madaxweynaha Galmudug,ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka si khilaafka loo xaliyo.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in qorshaha lagu xalinayo khilaafka Galmudug ay wanagsan tahay in lagu dhameeyo Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ee dhuusamareeb.

Waxa uu dhaliil ka muujiyey in meel ka baxsan deegaanada Galmudug lagu xaliyo khilaafkaas,hayeeshee uu sheegay in taasi muhiim tahay in xal walba lagu gaaro gudaha degaanada Galmudug.

“Runtii mar walba talada quman waxa ay ka maarmeen in lagu dhameeyo caasimada Galmudug ee dhuumareeb,waligiin ma aragteen Puntland ama jubbland oo meel ka baxsan deegaanadooda lagu xalinayo marka maamul kasta dastuur ayuu leeyahay weyna u madax banaan yihiin in wax walba ay deegaanadooda wax ku xalistaan ayuu yiri Xareed Cali Xareed.

Khilaafka u dhaxeya Madaxda Galmudug ayaa weli taagan,waxaana dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gudaha ay dadaalo ku bixineysaa in laga gudbo khilaafka soo laab laabtay ee Madaxda Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor