Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxa ay ku qabanayaan Dhageysi dadaweyne oo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa guddiga Madaxa banaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xubnaha guddiga Aqalka Sare u qaabilsan Cadaalada,waxana ka qeyb galaya Wasiirka Cadaalada Soomaaliya,xubno ka socda dowlad goboleedyada,qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka.
Guddoomiyaha guddiga Aqalka Sare u qaabilsan Cadaalada Senoter Samsam Ibraahim Cali oo la hadashay Dalsan ayaa waxa ay sheegtay in muhiimada kulanka uu yahay sidi loo soo xuli lahaa tirada xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa oo ka kaaban 9 xubnood iyo sidii Bulshada rayidka iyo dowlad goboleedyada ay qeyb weyn uga qaadan lahaayeen.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in sidii kale lag doodi doono awooda ay yeelan doonto Hay’adda la-dagaalanka musuq maasuqa,iyo sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen Hay’adaha kala duwun ee dowaldda iyo kuwa dowlad Goboleedyada.
Waxa ay tusaale u soo qaadatay dowladaha qaar oo guddigaan oo kale leh ay leihiin awood dheeri ah nalse Soomaaliya weli aan la shaacin.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Senator Samsam Ibraahim Cali.