Xisbiga mucaaraddka ah ee WADDANI ayaa gabi ahaanba Caawa shaaciyay in uu qaadacay doorashadii 13,kii Bishaan ka dhacday Soomaaliland oo ay kula tatameen labada Xisbi
Gudoomiyaha Xisbiga  WADDANI Cabdiraxmaan Cabdilalahi Cirro oo Warbaahinta kula hadlay Hotel Ambassador waxa uu shaaca ka qaaday inuu gabi ahaanba qaadacay doorashadaas.
Murrashax Cirro ayaa sababeeyey sababaha uu u qaaday doorashada Somaliland,waxaana ku sheegay in waxba laga qaban waayay cabashooyinkii ay u gudbiyeen,Guddiga doorashooyinka Soomaaliland.
Sidoo kalena waxa uu sheegay in doorashadaasi ay ka dhacday ku shubasho uu adeegsaday xisbiga KULMIYE,isla markaana ay jiraan sanaadiiq uu madmadaw ku jiro,taasina ay tahay mid aanay marnaba aqbalayn xisbiga mucaaradkda ah ee WADDANI sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdiraxmaan Cirro